Saturday, December 20, 2025

Donnarumma oo War Weyn Kasoo Saaray Xasuuqa Israa’iil Ee Dadka Reer Qaza

Ciyaartoyda caalamiga ah ee ciyaara kubadda cagta ayaa mararka qaar ka gudba garoonka, waxaana tusaale u noqday Gianluigi Donnarumma, goolhayaha xulka qaranka Talyaaniga iyo Manchester City.

Donnarumma, oo dhawaan noqday aabe, ayaa si qoto dheer uga hadlay xaaladda adag ee ka jirta Gaza sababo la xiriira dagaalka ay ku heyso israa’iil dadka reer Gaza.

Wuxuu yiri:
“Waan murugoodaa markaan arko sawirrada iyo maqaallo warar oo dad la laayay ah. Xaaladdu waa mid naga weyn, mana rabno inaan si qoto dheer uga hadalno. Anagu waxaan dooneynaa inaan ciyaarno kubadda cagta, waxaan dooneynaa inaan dib u soo celinno nabadda.”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas ku daray:
“Waa wax xanuun leh in la arko, laakiin arrimo jira ayaa naga hor istaagaya inaan si qoto dheer uga hadalno.”

Waxaa xusid mudan in Donnarumma uu xagaagan ka soo wareegay Paris Saint-Germain, isagoo ku biiray Manchester City, halkaas oo uu rajeynayo inuu ku guuleysto horyaalka Premier League iyo Champions League.

W/Q Maxamed Xasan Nuur Jillibeey

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles