Tuesday, October 28, 2025

Dilalka ku saleysan Aano qabiil oo ka dhacay Galgaduud iyo Faahfaahin dheeri ah.

Dilalka ka dhaca deegaanada Galgaduud, gaar ahaan kuwa salka ku haya anooyinka qabiilka, ayaa noqday dhibaato sii kordhaysa.

Waxa la sheegay in maleeshiyaad hubeysan oo ka soo jeeda degmada Balanbale ay dilaan aabe iyo wiil, Cabdulahi Maxamed Lugtii Jiic iyo wiilkiisa Baashi Cabdulahi Maxamed Lugtii Jiic, deegaan lagu magacaabo Labi Kooraale.

Kadib dhacdadan, maleeshiyaad kale oo ka soo jeeda degmada Guriceel ayaa weerar ka fuliyeen deegaanada hoos taga Balanbale, inkasta oo aan la xaqiijin khasaaraha ka dhashay.

Xaaladani waxay muujinaysaa in dilalka ku saleysan qabiilka ay noqdeen kuwo ka sii daraaya gudaha Galgaduud iyo Mudug.

Waxaa sidoo kale muuqata in maamulka Galmudug iyo maamulada kale ee deegaanka ay ku fashilmeen qaadashada tallaabooyin waxtar leh oo lagu joojinayo xasilooni darrada.

Odayaasha dhaqanka iyo hoggaamiyeyaasha bulshada ma aysan qaadin tallaabooyin muuqda oo lagu daminayo dagaalka qabiilka, taasoo sii xumeynaysa xaaladda amni ee gobolka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles