Dib u dhac ayaa ku yimid shirkii ay maanta ku balansanaayeen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Shirka u dhexeeya mucaaradka iyo Dowladda Federaalka ayaa haatan lagu wadaa in uu si rasmi ah u furmo maalinta Talaadada, kaddib markii dib loo dhigay kulankii maanta.
Waxaa la filayaa in maalinta Isniinta ay Muqdisho soo gaaraan Madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyo Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), kuwaas oo door weyn ku leh wadahadallada socda.
Shirka ayaa ka dhici doona Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu tilmaamay meel ammaan iyo dhexdhexaad ah oo ay ku qanacsan yihiin dhinacyada ka qeybgalaya.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku bixisay in kulanka lagu qabto xarunta Madaxtooyada Qaranka, hase yeeshee arrintaasi ma aysan hirgelin, kadib markii dhinaca mucaaradku ku adkaysteen in aysan ka gudbi doonin xayndaabka garoonka, sababo la xiriira arrimo amni iyo kalsooni darro.
Ajandaha shirka ayaa la filayaa in uu diiradda saaro xaaladda guud ee siyaasadda dalka, gaar ahaan khilaafaadka u dhexeeya dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada, hannaanka doorashooyinka, iyo sidii loo xoojin lahaa wadatashiga iyo is-afgaradka dhinacyada siyaasadeed ee kala aragtida duwan.




