Thursday, August 21, 2025

DFS oo markale abaabul dagaal ka bilowday G/Sh/Dhexe.

Abaabul iyo diyaargarow ciidan oo ballaaran ayaa ka socda deegaano badan oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadayso wajigii labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, saraakiil ciidan iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa gaaray gobolka, halkaas oo ay ka bilaabeen abaabul iyo dardar-gelin guluf dagaal cusub.

Masuuliyiintan ayaa bulshada deegaanka iyo ciidamada ku boorriyay inay si wadajir ah uga qeyb qaataan howlgalka, iyadoo lagu wargeliyay in la qorsheeyay dagaallo culus oo lagu baacsanayo Al-Shabaab meelaha yar ee ay weli kaga harsan yihiin gobolka.

Waxaa gobolka laga dareemayaa dhaq-dhaqaaq xooggan oo ay wadaan ciidamada xoogga dalka iyo bulshada deegaanka oo si weyn u abaabulan, halka muddooyinkii la soo dhaafay ay socdeen shirar iyo diyaar garow lagu mideynayay ciidanka iyo shacabka.

Shabeellaha Dhexe ayaa hore ugu jiray gobolladii lagu jebiyay Al-Shabaab intii uu socday wajigii koowaad ee dagaalka, balse kooxda ayaa wali ku sugan degaanno kooban oo gobolka ah, taas oo sababtay in dowladda federaalku ku dhawaaqdo wajigaan cusub ee gulufka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles