Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarro argagixiso oo ka dhacay gobolka Zamfara ee dalka Nigeria, kuwaas oo sababay dhimashada in ka badan 50 qof oo rayid ah, isla markaana lagu afduubtay haween iyo carruur.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda garab istaag ugu muujinayso dowladda iyo shacabka Nigeria, iyadoo tacsi u dirtay qoysaska ay ka geeriyoodeen dadkooda, una rajeysay dhaawacyada bogsasho degdeg ah.
Soomaaliya waxay ku baaqday in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan dadka la afduubtay, waxayna taageertay dadaallada ay Nigeria ku doonayso in caddaaladda la horkeeno kuwii ka dambeeyay falalkan.
Dowladdu waxay sidoo kale xustay in dalalka Afrika ay u baahan yihiin midnimo iyo iskaashi si wadajir ah loogu wajaho khatarta argagixisada, isla markaana mudnaanta loo siiyo ilaalinta rayidka.




