Degmada Afgooye ayaa maanta si rasmi ah looga daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha, iyadoo xafladda furitaanka uu daah qaaday Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka laga soo doorto deegaanka Afgooye, Mudane Mohamed Osman Naastaro.
Daahfurka waxaa soo qabanqaabiyey Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, waxaana ka qayb galay mas’uuliyiin ka socday Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta iyo xubnaha Guddiga ayaa ugu baaqay shacabka reer Afgooye inay si firfircoon uga qayb qaataan diiwaangelinta codbixiyeyaasha, si ay u gutaan xuquuqdooda dastuuriga ah ee codbixinta.