Kooxda Liverpool ayaa si weyn u dardar-gelisay dadaallada ay ugu jirto saxiixa weeraryahanka reer Sweden, Alexander Isak, iyadoo haatan diiradda saartay dhamaystirka shuruudaha heshiiska shakhsiyeed ee xiddiga. Sida warbixinnada hoose sheegayaan, Reds ayaa u bandhigtay Isak qandaraas muddo dheer ah oo socon doona ilaa Juun 2030, iyadoo lagu daray ikhtiyaar hal sano oo kordhin ah.
Mushaharka la filayo in la siiyo Isak ayaa lagu qiyaasayaa inuu noqon doono £15 milyan sanadkii, taasoo ay ku jirto gunnooyin iyo dhiirrigelinno la xiriira waxqabadka. Heshiiskaas wuxuu si weyn uga badan yahay waxa uu haatan ka helo Newcastle United, taasoo la fahamsan yahay iney si weyn usoo jiiday ciyaaryahanka.
Isak, oo 25 jir ah, ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo Newcastle xagaagan, iyadoo Liverpool ay diyaar u tahay inay la timaado dalab weyn oo dhanka lacagta ah si ay ugu qanciso kooxda reer North-East. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ciyaaryahanku uu si furan u muujiyay rabitaankiisa ku aaddan inuu u dhaqaaqo meel cusub oo uu ka ciyaaro tartanno weyn sida UEFA Champions League oo Liverpool dib ugu soo laabatay.
Kooxda tababare Arne Slot ayaa rajaynaysa inay si dhakhso ah u dhameystirto heshiiska shakhsiyeed si ay u bilaabaan wadahadallada kama dambaysta ah ee la xiriira lacagta lagu iibsanayo. Waxaa la fahamsan yahay in heshiiska shakhsiyeed uu horumar ballaaran gaaray, iyadoo labada dhinacba ay u muuqdaan kuwo diyaar u ah dhamaystirka heshiiskan toddobaadyada soo socda.
Haddii ay Liverpool ku guuleysato saxiixa Isak, wuxuu noqon doonaa weeraryahanka ay kooxda ku tiirsanaan doonto xilli ciyaareedka cusub – waxaana suurtagal ah inuu noqdo saxiixii ugu qaalisanaa ee ay Liverpool sameyso tan iyo Virgil van Dijk.
W/D Maxamed Xasan Nuur {Jillibeey}