Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceel Gorof oo ku yaalla inta u dhaxeysa magaalooyinka Wabxo iyo Maxaas ayaa sheegaya in dagaal culus uu saaka halkaasi ka socdo, kaasoo u dhexeeya ciidamada deegaanka Hiiraan oo garab ka helaya kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.
Goobjoogayaal ku sugan deegaanka ayaa sheegay in dagaalka uu bilaabmay saaka waaberigii, kadib markii Al-Shabaab ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.
Ciidamada isbahaysanaya ayaa la sheegay in ay si adag uga hortageen weerarka, waxaana weli socda dagaal fool-ka-fool ah oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin karin.
Saraakiisha ammaanka ayaan wali si rasmi ah uga hadlin dagaalka.