Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland uu saakay ka qarxay nawaaxiga deegaanka Raas kambooni ee gobolka Jubbada Hoose.
Dagaalka oo si gaar ah uga socda deegaanka lagu magacaabo Manaraani ayaa lasoo warinaya inuu yahay mid aad u xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.
Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaan saakay ka bilaawday deegaanka Manaraani oo qiyaas ahaan 30KM u jira deegaanka Raas kambooni oo maalmahii lasoo dhaafay dowladda Fedaraalku geysay ciidamo aad u badan.
Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo ku aadan dagaalka saakay ka qarxay deegaanka Manaraani, hayeeshee Jubbaland ayaa dhankeeda sheegtay in ciidanka dowladda ay weerar ku qaadeen ciidamada Jubbaland.
“Ciidamada Dowladda Jubaland oo ku jira dadaaladooda is difaacista ah ayaa jab xoog Leh u gaystay maleeshiyada xamar laga soo daadgureeyay iyadoo Ciidamada Jubaland ay guulo wax ku ool ah ka gareen”ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Jubbaland.
Jubbaland ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay iney la wareegtay difaacyadii ciidanka dowladda Fedaraalka ku lahayeen afaafka hore ee deegaanka Raas kambooni ee gobolka Jubbada Hoose, islamarkaana khasaare Kala duwan ay gaarsiiyeen ciidanka dowladda.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xaaladdu tahay wali kacsan, waxaana dhinacyadu ay kala helayaan gurmadyo dheeraad ah oo kusii qul qulaya furinta hore oo uu dagaalka ka bilawday.
Lasoco wixii kusoo kordha wararkan.