Friday, August 1, 2025

Dagaal culus oo ka socda deegaanka Sabiid iyo Caanoole

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in deegaanka Sabiid iyo Caanoole inuu ka socdo dagaal culus oo aroornimadii hore ee saakay ka bilaawday gudaha deegaankaas, kaasoo u dhaxeeya ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa dalka Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii kooxda Al-shabaab ay ku qaaday fariisimaha deegaankaasi ay ku leeyihiin ciidamada is garabsanaya weerar ku bilaawday qaraxyo aad u xoogan oo jugtooda laga maqlay deegaano ka fog fog Sabiid iyo Caanoole.

Qaraxyada kadib waxaa labada dhinac wali halkaas ku dhexmaraya dagaalkii ugu cusla ee halkaas ka dhaca sida ay warbaahinta gudaha u sheegeen dad shacab ah oo ku sugan Sabiid iyo Caanoole.

Waxaa lasoo warinaya khasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac inuu ka dhashay dagaalka ka socda gudaha deegaanka Sabiid iyo Caanoole, hayeshee si rasmi ah looma ogaan karo inta uu dhan yahay khasaaraha dagaalkaan oo socda mudo ka badan sadax saacadood oo xiriir ah.

Majirto wali wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Shabeellaha Hoose oo ku aadan dagaalka culus ee ka socda gudaha deegaankaas.

Ugu dambeyntii 21-kii bishii lasoo dhaafay ee June ayay aheyd markii deegaankaan  Sabiid iyo Caanoole ay ka xureeyeen maleeshiyaadka Al-shabaab oo halkaasi mudo gacanta ku haayay.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles