Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin dadweyne iyo qalqal-gelin amni.
Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Macallin Mahdi, ayaa sheegay in eedeysanaha la horgeyn doono maxkamadda awoodda u leh si sharciga loo waafajiyo.
Sidoo kale, Ciidanka Booliska ayaa xiray eedeysane Yuusuf Xasan Cali (Yuu Boss), kaas oo isagana loo haysto ku lug lahaanshaha kicin dadweyne iyo qalqal-gelin amni.




