Ciidanka booliiska Soomaaliya ee ka howlgala gobolka Banaadir, ayaa gacanta kusoo dhigay nin dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay in uu si arxandarro ah u jirdilay xaaskiisa oo uga timid qurbaha, gaar ahaan dalka Holland oo ay ku nooleed,
Booliiska oo howlgal gaar ah sameeyay ayaa ku guuleestay in ay soo qabtaan eedeysane Maxamed Cabdullaahi Cali , ninkan ayaana si arxandarro ah dhaawacyo culus uga gaarsiiyay xaaskiisa, kaddib khilaaf soo kala dhax galay.
Saraakiisha ciidanka booliiska ee gacanta ku haya ninkan eedeysanaha ayaa sheegay in ay ku wadaan baaris , waxa ayna xuseen in ay iku wareejinayaan maxkamad si loogu qaado kiiska dambiga uu galay ninkan.
Baraha bulshada ayaa shalay si weyn loogu baahiyay dhaawacyo culus uu ninkan xaaskiisa ka gaarsiiyay wajiga, waxa ayna sheegtay dhibanaha in ninkeeda doonayay in uu dilo , balse ilaahey ka badbaadiyay.