Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee saldhigga degmada Dayniile ayaa gacanta ku dhigay eedeysane S/le Cabdullaahi Axmed Geedi, kaas oo ku eedeysan dilka marxuum C/risaaq Abukar Maxamed, oo ahaa wade mooto bajaaj.
Dilka ayaa ka dhacay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.
Sida ay sheegeen saraakiisha Booliska, eedeysanaha ayaa hadda ku jira gacanta laamaha amniga, waxaana socda baaritaan lagu ogaanayo faahfaahinta iyo sababaha ka dambeeyay falka dilka ah. Booliska ayaa sidoo kale xaqiijiyay in eedeysanaha loo gudbin doono maxkamadda awoodda u leh si sharciga loo waafajiyo.
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xusay inay ka go’an tahay adkeynta amniga iyo la xisaabtanka cid kasta oo ku lug yeelata falalka lidka ku ah nabadgelyada shacabka, iyagoo bulshada ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga si loo xoojiyo amniga guud.




