Friday, August 1, 2025

Booliska Puntland oo qabtay askari weerar ku qaaday askar kale

Ciidanka Booliiska Puntland, gaar ahaan Taliska Qaybta Gobolka Nugaal, ayaa gacanta ku dhigay eedeysane lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed Cali, kaasi oo lagu eedeeyay in uu 24-ka Luulyo 2025 weerar toos ah ku qaaday ciidamo booliis ah oo ku guda jiray hawl-maalmeedkooda shaqo. Weerarka ayaa ka dhacay gudaha magaalada Garoowe,
Ciidamada Booliiska Qaybta Gobolka Nugaal oo uu hoggaaminayo Taliyaha Qeybta G/Sare Maxamed Cali Axmed, ayaa si degdeg ah uga falceliyay, waxaana ay ku guuleysteen in eedeysanaha lasoo qabto muddo kooban gudaheed, kadib howlgallo baaritaan oo laga sameeyay magaalada.
Booliiska Puntland wuxuu caddeynayaa in eedeysanaha haatan ku sugan yahay xabsi dhexe, iyadoo loo gudbin doono hay’adaha cadaaladda si uu u maro hannaanka sharciga ah ee dawladda Puntland.
Ciidanka Booliiska Puntland wuxuu mar kale adkeynayaa sida ay uga go’an tahay ilaalinta amniga muwaadiniinta, difaaca ciidamada ka howlgala wadooyinka, iyo in si degdeg ah loo qabto cid kasta oo ku kacda falal amni-darro ah.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles