Tuesday, November 18, 2025

Booliska oo xabsiga dhigay dhalinyaro u geftay MW Xasan Sheekh.

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Garasbaaleey, ayaa gacanta kusoo dhigay afar dhallinyaro ah oo ku eedeeysan inay aflagaado iyo gef cad u geysteen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Booliska

Dhallinyaradan xabsiga la dhigay oo magacyadooda lagu sheegayCumar Ciise Salaad, Mahad Cumar Yirid, Amin Maxamed Xasan, iyo Cabdisalaan Ceenaanshe Ibraahim, ayaa Tiktok ku baahiyay muuqaallo gef ku ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Muuqaallo ay ku baahiyeen barta TikTok ayaa lagu arkay iyagoo si cad ugu gafaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda, taas oo dhaawacaysa sharafta iyo karaamada madaxda qaranka, isla markaana baalmareysa Dastuurka iyo shuruucda dalka u dagsan, eedeysanayaashu waxay ku jiraan gacanta Booliiska, waxaana si waafaqsan sharciga loogu gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay booliiska.

Booliiska Soomaaliyeed ayaa bulshada ku baraarujiyay inay ka fogaadaan falalka marin habaabinta, aflagaadada iyo ku xadgudubka sharafta hay’adaha qaranka, iyadoo cid kasta oo ku kacda fal dambiyeed noocan ah loogu hanjabay in laga qaadi doono tallaabo adag oo waafaqsan sharciga.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles