Muqdisho, Baydhabo, Dhuusamareeb, Guriceel iyo Laascaanood ayaa maanta waxaa isugu soo baxay kumannaan shacab ah oo si wadajir ah uga dhiidhinaya go’aanka ay Israa’iil ku sheegtay kala-jarista dalka, iyo sidoo kale dhaqdhaqaaqyada ay ku tilmaameen kuwo halis ku ah midnimada Soomaaliya oo uu wado maamulka Hargeysa ee Waqooyi Galbeed.
Isu-soo-baxyadaas oo si nabad ah u dhacay ayaa waxaa ka qeyb galay culimada diinta, waxgaradka dhaqanka, haweenka, dhalinyarada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo muujiyay midnimo iyo dareen wadareed oo ku aaddan difaaca madax-bannaanida iyo midnimada dalka.
Culimada ka hadashay isu-soo-baxyada ayaa cambaareeyay faragelin kasta oo shisheeye, iyaga oo ku baaqay in la ilaaliyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.
Sidoo kale odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay in aysan marnaba aqbalin kala-qaybin iyo tallaabo kasta oo dhaawacaysa jiritaanka qaranka.
Isu-soo-baxyadan oo wali ka socda meelo kale oo ka mid ah dalka ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan dareenka shacabka ee ku aaddan arrimaha siyaasadeed ee ka taagan dalka, iyadoo shacabka ay si cad u muujiyeen mowqifkooda ku aaddan ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.




