Ugu yaraan labo qof oo ka mid ahaa shaqaalaha ilaalada canshuuraha ee Dowladda Hoose ee Garowe ayaa lagu dilay magaalada Garowe, halka saddex kale ay dhaawacyo culus soo gaareen, kadib markii askari ka tirsan ciidamada amniga Puntland uu rasaas ku furay gaari nooca Brobax ah oo ay la socdeen.
Falkan ayaa dhacay kaddib markii sida la sheegay askariga falkan geystay uu ka carooday mooto Bajaaj uu lahaa, taasoo ay ciidmada Dowladda Hoose u xareeyeen canshuuro lagu lahaa. Sida la xaqiijiyay, rasaasta uu furay askariga ayaa sababtay dhimashada darawalkii gaariga waday iyo hal askari oo la socday.
Eedeysanaha ayaa la xaqiijiyay inuu ka tirsanaa guutada Goodir ee ciidamada Daarawiishta Puntland, wuxuuna ka baxsaday goobta falka uu ka dhacay. Laamaha amniga Puntland ayaa hadda wada howlgallo lagu raadinayo.
Sida ay sheegeen ilo caafimaad, qaar ka mid ah askarta dhaawacantay ayaa qaba dhaawacyo halis ah, kuwaas oo hadda lagu dabiibayo isbitaallada magaalada Garowe.
Si kastaba ha ahaatee, inta badan dambiyada amniga lidka ku ah ee ka dhaca magaalada Garowe waxaa si toos ah ama dadban ugu lug yeesha askarta.