Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay ka dhacay tuulada Fadimuuse oo hoostagta degmada Lambar 50 ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo loo geystay nabadoon Shuute Abuukar Cusmaan.
Wararka ayaa sheegaya in askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ay gurigiisa ku dileen nabadoonka, xilli uu ku sugnaa hoygiisa.
Maamulka deegaanka Lambar 50 ayaa xaqiijiyay in afar askari oo falkaasi ku lug lahaa la aqoonsaday, iyadoo laba ka mid ah gacanta lagu soo dhigay, halka laba kale ay weli baxsad yihiin, lana baadi-goobayo.
Sidoo kale, ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay eedeysanayaal kale oo lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen abaabulka dilka nabadoonka.
Guddoomiyaha deegaanka Lambar 50, Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay in ragga dilka geystay ay ka yimaadeen deegaano kale oo ka tirsan gobollada Shabeellooyinka, isagoo xusay in baaritaanno socdaan.
Ugu dambeyn, maamulka ayaa caddeeyay in dhammaan eedeysanayaasha la horgeyn doono maxkamad si sharciga loo marsiiyo.




