Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda mudane Mustafe Dhuxulow ayaa kulan mirro dhal ah la qaatay danjireyaasha dawladaha Qatar ee Soomaaliya Cabdullaah bin Salem Al-nucaymi, waxaana ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii taageero farsamo iyo horumarineed ay u siin lahaayeen hay’adda socdaalka.
Dhinaca kale agaasime Dhuxulow ayaa la kulmay danjraha dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya danjire Pier Mario Daccò Coppi, waxaana kulankaas diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga, horumarinta adeegyada socdaalka iyo arrimaha danaha wadajirka ah ee labada dhinac.