Taliska guutada 10-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee fadhigiisu yahay gobolka Gedo ayaa soo saaray amaro cusub oo lagu xoojinaayo amniga guud ee magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.
Amarkaan kasoo baxay taliska ayaa ah in ciidamada Militariga Soomaaliya laga mamnuucay iney hubkooda la dhex galaan gudaha Magaalada Garbahaarey xiliyada fasaxa ay yihiin ama danaha gaarka ah ka leeyihiin Magaalada.
Waxaa sidoo kale laga mamnuucay ciidanka iney ridaan rasaas, iyadoo askarigii qaadan waaya amarkaana la sheegay in la horgeynayn doono Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida.
Taliyaha guutada 10aad ee ciidanka Xoogga dalka ee gobolka Gedo Gaashaanle Sare Cismaan Sheekh Cabdi Qorrax ayaa amarkaan siiyay ciidamo isugu jiray kuwo cusub oo dhawaan tababar la siiyay iyo askar horay uga soo shaqeeyay Garbahaarey.
“Waa mamnuuc in rasaas amar la’aan ah la iska rido, taasoo shacabka ku abuuri karta qalqal iyo waxyeelo iskugu jirta dhaawac iyo dhimasho, waxaa dhawaan geeriyootay haweeney kadib markii rasaas la riday oo aan ku dhicin ay ka naxday.” Taliyaha Guutada 10-aad ee ciidanka xoogga dalka ee gobolka Gedo Gaashaanle Sare Cismaan Sheekh Cabdi Qorax.
Taliyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in hubka iyo rasaasta dowladda ay kasoo bixiso lacag badan sidaas awgeed aanay la aqbali Karin in si bilaa micno ah loo adeegsado ama loo rido rasaasta.
Amarkaan kasoo baxay Taliska guutada Q0-aad ayaa kusoo aadaya, iyadoo ciidamada dowladda ay si weyn ugu howlan yihiin xaqiijinta amniga guud ee gobolka Gedo, maadama xiisad dagaal ay kala dhaxeyso maamulka Jubbaland.