Saturday, August 2, 2025

Soomaaliya iyo Wadamada Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya oo Xoojinaya Xiriirkooda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa magaalada Jakarta ee dalka Indonesia kulan muhiim ah kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya (ASEAN), Dr. Kao Kim Hourn.
Kulankaasi ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo wadamada xubnaha ka ah ASEAN, iyadoo lagu falanqeeyay fursadaha iskaashi ee dhanka Ganacsiga, Waxbarashada iyo iskaashiga guud ee labada dhinac.
Wasiir Cabdisalaam ayaa Xoghayaha Guud la wadaagay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in ay hesho joogitaan rasmi ah oo ay ku yeelato gudaha ururka, taas oo kor u qaadi karta xiriirka Ganacsi, Siyaasadeed iyo bulsho ee ay la leedahay wadamada Koonfur Bari Aasiya.
Dhankiisa, Xoghayaha Guud ee ASEAN, Dr. Kao Kim Hourn, ayaa si diirran u soo dhoweeyay dadaalka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta xiriirka ay la leedahay ASEAN, WaxAa uu caddeeyay in ururku diyaar u yahay inuu sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay leedahay muhiimad istaraatiiji ah oo ay mudan tahay in laga faa’iideysto.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles