Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo gaaray magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool ayaa kulan la qaatay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Gobolka Bakool oo ay wehliyaan maamulka Gobolka Bakool iyo kan Degmada Xudur.
Guddoomiyaha Gobolka Bakool oo kulanka furay ayaa ugu horeyn Guddoomiyaha iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyay Magaalada Xudur, waxaana uu faahfaahin ka bixiyay xaaladda guud ee Gobolka oo ay ka mid yihiin amniga iyo dib u dhiska ka socda.
Intaasi ka dib qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka oo kulanka ka hadlay ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyay safarka uu ku yimid Magaalada Xudur, iyagoo ku amaanay sida uu uga war qabo xaaladda guud ee gobolka Bakool iyo sida uu uga qeyb qaato horumarkiisa.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa guud ahaan Shacabka Gobolka Bakool uga mahadceliyay soo dhoweynta diiran ee ay u sameeyeen asiga iyo wafdigiisa, wuxuun ku amaanay sida midnimada iyo wadajirka leh ee ay uga shaqeeyaan horumarka gobolka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay howlgalada Gobolka Bakool iyo guud ahaan deegaanadda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed looga xorreynayo Khawaariijta, ayaa odayaasha dhaqanka iyo guud shacabka Gobolka Bakool kula dardaarmay in ay garab istaag buuxa u muujiyaan Ciidamada Qaranka.
Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo soo hadal qaaday qorshaha dowladda ee dalka looga hirgelinayo doorasho qof iyo cod ah ayaa guud ahaan shacabka Gobolka Bakool ugu baaqay in ay isdiiwaan geliyaan sidoo kalena dadka degan ilaa heer tuulo lagu wacyigeliyo qaadashada kaarka codbixinta iyo sidoo kale kaarka aqoonsiga muwaadinimo.
Kulanka waxaa goob joog ahaa wasiirka wasaaradda Xanaanadda Xoolaha dhirta iyo daaqa ee XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay) wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Hidaha iyo tacliinta sare Nuura Mustaf Mukhtaar Guudow, wasiir kuxigeenka wasaaradda Xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa ee XFS Mudane Aadan Maxamed Cali, Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee XFS Yuusuf Xasan Isaaq (Yuusuf wadani) iyo sidoo kale mas’uuliyiin kale.