Friday, August 1, 2025

Soomaaliya iyo Jabuuti oo maanta kala saxiixday heshiis cusub oo muhiim ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa maanta magaalada Jabuuti si rasmi ah u kala saxiixday heshiis lagu kordhinaayo ciidamada dowladda Jabuuti ka jooga gudaha dalka Soomaaliya.

Heshiiskaan ayaa waxaa labada dowladood u kala saxiixay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo ku simaha Wasiirka Gaashaandhigga dalka Jabuuti Cali Xasan Bahdoon, waxaana goobjoog ahaa masuuliyiin sar sare oo ka kala socday Soomaaliya iyo Jabuuti.

“Heshiiskan ayaa hagaya kordhinta tirada ciidamada Jabuuti ee lagu sii kordhinayo howlgalka ka socda gudaha Soomaaliya, iyadoo la raacayo mabaadi’da iyo mudnaanta ay labada dhinac horey uga heshiiyeen. Waxa uu sidoo kale qeexayaa habraacyada faragelinta, waajibaadka labada dhinac iyo hannaanada iskaashi ee labada ciidan, iyadoo lagu saleynayo ruux wadashaqeyn iyo is-ixtiraam” ayaa lagu yiri Warsaxafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Heshiiskaan ayaa sidoo kale la tilmaamay inuu qeyb ka yahay aragti guud oo labada dal ay ka wadaagaan xasiloonida gobolka iyo sida ay uga go’an tahay dowladda Jabuuti taageerada nabadda iyo amniga Soomaaliya.

Gabagabadii dowladda Jabuuti waxay ka mid tahay dowladaha Soomaaliya sida weyn uga taageera dhinacyada amniga iyo horumarinta, waxaana ciidamadeedu ka mid yihiin kuwa nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo dhameystiran:-

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles