Taliyaha ciidanka Dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa tagay deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo laga xoreeyay maleeshiyaadka Al-shabaab.
Taliyaha ayaa waxaa uu halkaasi u tagay dardargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab, waxaa uuna la kulamay saraakiisha iyo askarta ka tirsan cidiamada xoogga eek u sugan deegaanka Masaajid Cali gaduud.
Deegaan uu tagay Jeneraal Sahal Cabdullaahi ayaa dhawaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka waxaa ay kala wareegeen kooxda Al-shabaab oo muddo halkaasi ku suganeyd.
Taliyaha ciidanka dhulka ayaa ciidamada ku sugan jiida hore dagaalka waxaa uu sheegay in ay sii xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab, inta laga saarayo guud ahaan dalka.
Safarta uu taliyaha ku tagay deegaanka ayaa imaanaya xili ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay kordhiyeen maalmahii lasoo dhaafay howlgalada ka dhanka ah Al-shabaabka ku sugan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.