Friday, June 20, 2025

Natiijada doorashada Baarlamaanka Hir-shabeelle ee kursiga 58-aad.

Waxaa xarunta Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ka dhacday doorashada dib-u-buuxinta kursiga58-aad, kaas oo ka bannaanaa Baarlamaanka 11-aad ee maamulkaasi.

Doorashada kursigaan oo ay ka soo qeybgaleen xubno labada gole ee Dowladda, bulshada rayidka iyo ergada beesha leh kursiga bannaanaa ayaa waxaa tanaasulay musharax Ismaaciil Warsame Faarax.

Kulanka doorashada waxaa soo xaadirtay 101 ergo,kuwaas oo gacan-taag ah ku doortay musharrax Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo helay 98 Cod halka ay ka aamustay 3 Codbixiye oo xildhibaanno ah.

Natiijada waxaa ku dhawaaqay Cabdi Caddow Maxamed oo ka socda Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorrashooyinka Qaranka, waxaana uu goobta ku guddoonsiiyey mudaha la doortay  shahaadada Xildhibaanimo.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles