Thursday, March 13, 2025

Wasiirka cadaaladda XFS oo qaabbilay Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya.

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š XFS ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐—๐š๐ฌ๐š๐ง ๐Œ๐š๐œ๐š๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ฑ๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ข๐ข๐ฌ๐š ๐ค๐ฎ ๐ช๐š๐šb๐›๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐’๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐ฐ๐ž๐๐ž๐ง ๐ฎ ๐Ÿ๐š๐๐ก๐ข๐ฒ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š, ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐‰๐จ๐š๐œ๐ก๐ข๐ฆ ๐–๐š๐ž๐ซ๐ง.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada Dowladood, gaar ahaan dhinacyada cadaaladda iyo dowlad wanaagga.

Wasiirka ayaa warbixin ka siiyay Safiirka halka uu marayo hanaanka dib-u-eegista iyo dhammeystirka dastuurka kaas oo qorshuhu yahay in la dhameystiro sanadkan 2025.

Safiirka ayaa ballan qaaday xoojinta taageerada hannaanka dowlad dhiska Soomaaliya asaga oo bogaadiyay shaqada baaxadda leh ee Wasaaradda ka qabatay horumarinta nidaamka cadaaladda iyo arrimaha ku xeeran dhameystirka dastuurka.

Wasiir Xasan Macallin ayaa uga mahadceliyay dowladda Sweden sida ay u garab taagan tahay dowlad-dhiska Soomaaliya, isagoo sheegay in ay dowladda federaalka ka goโ€™an tahay in ay sii waddo wada-shaqeynta caalamiga ah si loo dhiso sharciyad iyo dowladnimo waarta.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles