Qaar kamid ah ciidamada xooga dalka soomaaliya iyo kuwa maamulka degmada balcad oo is kaa shanaayo ayaa maanta howlgal ka sameeyay deegaano dhaca qeybta bari ee degmada balcad deegaanadaasi waxaa kamid ah far barako,mukiy dheere,faaraxcubeyd,damaley iyo xintiroow dhamaantood waxay hoos tagaan degmada balcad ee gobolka shabelaha waxaa hogaaminaaye korneel abshir maxamed axmed abshir kaaraan iyo gudomiye ku xigenka siyasada degmada balcad taliyaha ciidamada malatariga maamulka degmada balcad.
Gudoomiye ku xigeenka siyaasada maamulka degmada balcad iyo korneel abshir maxamed axmed kaaaran ayaa warbaahinta uga warbixiyay ujeedka howlgalkaan.
howlgalkaan ayaa imaanayo iyadoo aad loo xoojiyay howlgalada ka dhanka ah kooxda al shabab kaasi oo si dar dar leh ugu socdaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan hirshabelle.