Diyaaradaha dagaalka milatariga Isra’iil ayaa shalay duqeyn culus ka fulisay magaalada Beyruut ee caasimadda dalka Lubnaan, waxa ayna duqeyntaasi ku beegsadeen xarun ay lahaayeen ururka Xisbullaah uu shir uga socday saraakiil sare oo katirsan ururkaasi.
War kooban oo goordhaw kasoo baxay ururka Xisbullah ayaa lagu xaqiijisay dilka hogaamiyahooda Sheekh Xasan Nasrallah, oo lagu dilay weerar cirka ah oo lagu qaaday xaafad ay dadku ku badan yihiin oo ku taalla magaalada Beyruut fiidnimadii Jimcaha.
Israa’iil ayaa horey war ay usoo saartay ku shaacisay in ay dileen hoggaamiyaha ururka Xisbullaah, waxa ay sidoo kale Israa’iil shaaciyeen in Sheekh Xasan Nasrullaah lala dilay hoggaamiyaal kale oo kooxdaasi katirsanaa iyo saraakiil katirsan ilaalada kacaanka Iran.
Dilkan ay Israa’iil u geesatay hoggaamiyaha Xisbullaah ayaa imaanaya xilli maalmo kahor ay dileen taliyaal sar sare oo katirsanaa ururkaasi, waxaana dilka hadda ee Sheekh Xasan Nasrullaha niyadjab ku abuuraya dagaalyahanadda Xisbullaah oo laga laayay saraakiishoodii sar sare.