Wednesday, December 4, 2024

Faahfaahin: Guddoomiye ku xigeenkii Degmada Beledweyne oo la dilay

Kooxo hubeysan ayaa Alle u naxariistee ku dilay Magaalada Beledweyne  ee Xarunta Gobolka Hiiraan Guddoomiye ku Xigeenkii Maamulka iyo Maaliyadda Degmada Beledweyne ee Maamulka Hirshabeelle Cabdi Sahal Shuuriye Xuseen.

Dilkaan ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafada Xaawa taako ee Magaalada Beledweyne, iyada oo Kooxo dilka geystay ay goobta ka baxsadeen, sida aywarbaahinta u sheegeen dad Goobjoogayaal ahaa.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in sababaha loo dilay ay tahay Guddoomiye kuxigeenkii Maamulka iyo Maaliyadda Magaalada Beledweyne in Mobile lagu dhaco, isaga iyo Wiil uu Abti u yahay oo la socday.

Ciidamo katirsan kuwa Laamaha Amniga degmada Beledweyne ayaa tegay goobta uu falka ka dhacay, iyaga oo sameeyay howlgallo aan wax natiijo ah kasoo bixin oo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Cabdi Sahal Shuuriye oo ahaa Nin dhalinyaro ah Caana ka ahaa Magaalada ayaa dilkiisa waxaa aad uga carooday inta badan Dhalinyarada Magaalada Beledweyne, iyaga oo laamaha Amniga ka codsaday in gacanta lagu soo dhigo dadkaas.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles