Wednesday, January 7, 2026

Madaxweynihii Venezuela oo ka soo muuqday Maxkamadda Federaalka ee Manhattan, New York

Madaxweynihii Venezuela, Nicolás Maduro, ayaa ka soo muuqday Maxkamadda Federaalka ee Manhattan, ee Gobalka New York, si uu u wajaho eedeymo culus oo ku saabsan dambiyo la xiriira daroogo iyo shirqool caalami ah.
Waxay Maxkamaddu ay bilowday dhageysiga eedeymaha iyo in lagu go’aamiyo xaaladda xabsi ee Maduro iyo xaaskiisa, kuwaasoo la qabtay ka dib howlgallo militari oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka.
Maduro iyo xaaskiisa ayaa laga kaxeeyay bannaanka maxkamadda kaddib markii la cayimay fadhiga xiga ee dacwadda, kaasoo la qaban doono 17-ka Maarso.

Maduro waxaa haatan lagu hayaa xarunta Metropolitan Detention Center ee Brooklyn, oo ah xabsi federaal ah halkaas oo laga sugayo in lagu wareejiyo maxkamadda Manhattan si loo dhageysto dacwaddiisa oo qaadan doonta muddo sanad ah.
Falalkan ayaa si weyn u kiciyey dood caalami ah; qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha sida Shiinaha ayaa cambaareeyey tallaabada Mareykanka, iyagoo ku tilmaamay arrin aan la aqbali karin oo ku saabsan in dal khaldano xukun iyo madax-bannaanida waddan kale, taas oo lagu sheegay inay jebinayso shuruucda caalamiga ah.
Dhinaca kale, Safiirka Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay, Mike Waltz ayaa hadal uu ka jeediyay fadhiga golaha ammaanka wuxuu ka hadlay howlgalkii Mareykanka ka fuliyay Venezuela, wuxuu yiri ;

“Tani waa Galbeedka Qaaradda Ameerika; waa halka aan ku noolnahay, mana oggolaan doono in Galbeedka Qaaradda Ameerika loo adeegsado saldhig hawlgallo ay ka fuliyaan cadawga,tartamayaasha iyo kuwa la loolamaya Mareykanka.Sidoo kale suurtagal ma aha in kaydka tamarta ugu weyn dunida ay sii ahaadaan kuwo gacanta ugu jira cid ka soo horjeedda Mareykanka.”

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles