Friday, July 4, 2025

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐓𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐜𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐚𝐥𝐢𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢 𝐡𝐨𝐫𝐞.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Odowaa Yusuf Raage iyo Taliyihii hore Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxiyadiin.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in labadii sano ee lasoo dhaafay ay ciidanku deegaano badan ka xorreeyeen khawaarijta isla markaana ay Xukuumaddu gaarsiisay adeegyadii asaasiga u ahaa bulshada, isagoo taliyaha cusub kula dardaarmay dardargelinta dagaalka dalka looga xorreynayo khawaarijta.

Raii”sulwasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inay muhiim tahay xoojinta iyo tayeynta dhismaha qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida si ay ulawareegaan amniga guud ee Dalka.

Raii”sulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudan Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay in Dalka la gaarsiiyay horumar dhinacyo badan leh oo dowlada Soomaaliyeed ku tallaabsatay intii Xukuumaddan ay jirtay, sida qaadista cunaqabatayntii hubka,ku biiristii ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, xubin ka noqonay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, dhammaan howlahaas la qabatay waxaa markhaati ka ah shacabka Soomaaliyeed

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles