Saturday, December 20, 2025

๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐จ๐จ ๐š๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ฆ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐—๐ข๐ฌ๐š๐š๐›๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee ku aaddan in Mudane Maxamed Maxamuud Cabdulle uu noqdo Xisaabiyaha Guud ee dowladda , kaas oo leh khibrad la xiriirta Maamulka Maaliyadda iyo hannaanka xisaabaadka guud.
Kulanka golaha oo uu guddoomiyey Raโ€™iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Istiraatiijiyadda Qaran ee ka hor tagga qaraxyada macmalka ah iyo heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan wada-tashiyo siyaasadeed, oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Tajikistaan.
Golaha Wasiirrada, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan diiwaangelinta dadweynaha ee Aqoonsiga Qaranka iyo latashiyada dhamaystirka dastuurka ee qeybaha bulshada.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles