Ka dib dagaaladii ay dadka badani ku dhinteen ee ka dhacay duleedka Kismaayo, gaar ahaan deegaanka Buulo Xaaji, waxaa haatan si tartiib tartiib ah dib ugu soo laabanaya dadkii deegaanka ee hore uga barakacay dagaalkaas.
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha dowlad goboleedka Jubbaland Sarreeye gaas, Yusuf Xuseen Cismaan Dhumaal ayaa sheegay in howlgalladii ugu dambeeyay ee ay fuliyeen Ciidamada Xoogga dalka iyo Daraawiishta Jubbaland oo iskaashanaya uu ahaa mid aad u qorsheysan.
Janaraal Dhuumaal ayaa sheegay in howlgalladu ay yihiin kuwo joogto ah, kuwaas oo uu sheegay in aysan joogsanayn illaa AS dalka oo dhan laga saaro.
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha maamul goboleedka Jubbaland Sarreeye gaas Yusuf Xuseen Cismaan Dhumaal ayaa sheegay in sheegay in dhallinyarada yaryar ee AS ka midka ah aysan dilin haddii ay Ciidamadu ku qabtaan bed qab ama dhaawac.
wuxuuna xusay in ay ku jiraan kuwo badan oo la qalday dibna looga faa’iideystay markii cafis loo fidiyay ama ay siyaabo kale kusoo galeen gacanta Ciidamada.