Dowlada Soomaaliya ayaa faah-faahin cusub ka bixisay qaraxii xalay ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.Af-hayeenka Booliska Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay,in khasaare baaxad leh ka dhashay weerarkaay soo qaadeen dagaalamayaasha Al Shabaab.
Cabdifataax Xasan Aadan Af-hayeenka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ka badan 30 qof ku geeriyoodeen qaraxa ka dhacay xalay,Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho,sidoo kale dhaawaca ayuu ku sheegay in ay kor u dhaafeen in ka abdan 60 qof.
Dhiilo,culus ayaa ka taagan caasimada dalka ee Muqisho, Cali Muuse iyo Maxamed Muuse waa labo wiil oo walaalo ah.Weerarkan ayaa noqonaaya,mid kamida kuwa ugu khaasaraha badan ee ka dhacay magaalada Muqdisho ee ay Al Shabaab,ku beegsadeen goobo dadwayne.