Israa’iil ayaa xalay duqeymo xooggan ka geysatay magaalada Aitaroun oo ku taalla koonfurta Lubnaan. Duqeymahan ayaa sababay burbur weyn oo gaaray dhismayaal ay dad rayid ah ku noolaayeen, iyadoo sawirrada laga soo qaaday goobta ay muujinayaan xaalad murugo leh. Duqeymahan ayaa qeyb ka ah xiisadda ka dhex oogan Israa’iil iyo kooxda Xisbullah ee Lubnaan, oo mararka qaar si weyn ugu dhowaada inay isku dhacaan.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa xalay shir guddoomiyay kulan gaar ah oo uu la yeeshay golaha ammaanka ee Israa’iil. Intii kulankaasi socday, waxaa la meel mariyay qorshe ballaarinaya howlgallada Israa’iil ee waqooyiga, arrintaas oo la micno ah in Israa’iil ay u dhaqaaqi karto gudaha dhulka Lubnaan haddii ay go’aansato.
Hadal uu soo saaray ku-xigeenka xoghayaha guud ee Xisbullah, wuxuu ku sheegay in haddii Israa’iil ay isku daydo inay gudaha u soo gasho Lubnaan, ay kala kulmi doonto dagaal aanay weligeed hore u arag. Xiisaddan ayaa u muuqata mid halis sii galeysa iyadoo labada dhinac ay isku hayaadaan xadgudubyada dhinaca xuduudda.
Dhanka kale, ciidamada Israa’iil ayaa weli sii wada duqeymaha ay ka geysanayaan Marinka Gaza. Duqeymahaasi ayaa lagu dilay dad rayid ah, waxaana la xaqiijiyay dhimashada 14 qof oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan carruur iyo haween. Weerarkii ugu dambeeyay ee ka dhacay koofurta iyo bartamaha Gaza ayaa burburiyay guryo dhowr ah, waxaana dadkii ku dhintay ku jiray 11 qof oo qoys isku ahaa, oo ay ku jiraan 4 carruur ah iyo saddex haween ah.
Tan iyo bilowgii bishii October, colaadda ka socota Marinka Gaza ayaa sababtay dhimashada in ka badan 40,000 oo qof, sida laga soo xigtay ilo-wareedyada gudaha Gaza. Dadka ugu badan ee la dilay waxay ahaayeen dumar iyo carruur, taas oo muujinaysa heerka musiibada rayidka ee colaadda sii xoogeysaneysa.