Thursday, June 19, 2025

Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza.

Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas Sami Abu Zuhri  ayaa sheegay in kooxda hubeysan ee Falastiin ay diidi doonaan soo jeedintii Mareykanka ee xabbad joojinta cusub ee Gaza iyo heshiiska sii deynta la haystayaasha.

Mas’uulkan ka tirsan Xamaas ayaa xaqiijiyay in aysan ku qanacsaneyn soo jeedintaasi ,isla markaana ay ka maqan yihiin shuruudihii muhoiimka ahaa sida joojinta dagaalka  iyo qodobbo kale..

Hoggaanka dhaqdhaqaaqa ururka Xamaas ayaa daraaseynaya jawaabta ku habboon soo jeedinta mareykanka ee ay taageereen Israel,waxaana la filayaa in maanta ama berri ay soo baxaan jawaabo dhameystiran oo khuseeya go’aanka ururkaasi ee dhinaca xabad-joojinta cusub.

Illaa hadda si rasmi ah looma shaacin faahfaahinta hindisahan cusub,waxaana arrimaha ay doonayaan xamaas kamid ah in Israel ay joojiso dagaalka ay ku hayso Qaza, in ay ciidamada Israa’iil ka saarto dhulka go’doonsan iyo in gargaarku si xor ah u galo dhulka ay dagaalladu aafeeyeen.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles