Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qayb galay furitaanka shirweynaha mustaqbalka, oo ka socda xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York, Mareykanka. Shirkan oo qayb ka ah kulanka sannadlaha ah ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa isugu keenaya madaxda caalamka, si ay u wadajir uga doodaan xal u helista caqabadaha caalamiga ah iyo sugidda mustaqbalka adduunka.
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, Wasiirka Waxbarashada, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, iyo wasiirro kale ayaa ka qayb galay shirka. Kulankan ayaa diiradda saaraya sidii loo heli lahaa wada shaqayn iyo faham guud oo lagu wajahayo caqabadaha dhinacyada kala duwan, sida isbeddelka cimilada iyo horumarinta dhalinyarada.
Wasiirka Waxbarashada, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, oo ka hadlayay madasha, ayaa sheegay in Soomaaliya ay tusaale u tahay bulshooyinka da’ yarta, maadaama 70% dadka Soomaaliyeed ay ka yar yihiin 30 sano. Wuxuu intaa ku daray in dhalinyarada Soomaaliyeed ay la tacaalayaan duruufo adag, balse ay leeyihiin karti iyo rabitaan ay ku hanan karaan mustaqbalkooda iyo kan dalkooda, haddii fursado ay helaan.
Shirka ayaa lagu wadaa in uu horseedo isfaham caalami ah oo ku aaddan xal u helista arrimaha horyaalla dunida, iyada oo madaxda Soomaaliyeedna ay muujinayaan doorka muhiimka ah ee Soomaaliya ka qaadanayso ka qaybgalka dadaallada caalamiga ah ee ilaalinta mustaqbalka.