Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed ayaa maanta muqdisho ka furay Shirka Wadatashiga Hiigsiga Qarnijirka 2060ka laanta Waxsoosaarka Dalka (Productive Sector)
Shirka ayaa ujedkiisu yahay in la isla meel dhigo Istiraatijiyadda waxsoosaarka dalka ee Hiigsiga Qarnijirka 2060ka,waxaana ka qeyb galayo dhammaan Wasaaradaha ka shaqeeya Horumarka Dhaqaalaha heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, Bulshada Rayidka, Akaadeemiyadda iyo dhamaan qaybaha bulshada.