Wednesday, February 12, 2025

Wasiirka wasaaradda Qoyska oo la kulantay ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda Qoyska iyo horumarinta xuquuqul Insaanka dowladda FS, Amb. Khadija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa xarunta wasaaradda ku qaabishay ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya danjire Mohamed El-Amine Souef.

Kulankan oo ay ku wehliyeen wasiirka agaasimaha guud iyo khuburada wasaaradda ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa horumarinta iyo awood-siinta haweenka, ilaalinta xuquuqda aadanaha, gaar ahaan xuquuqda carruurta iyo dadka naafada ah iyo sugnaanta badqabka dadka rayidka ah.

Wasiirka ayaa uga mahadcelisay danjiraha kaalinta naf-hurnimada leh ee Midowga Afrika ka qaatay arrimahaas, iyadoo xustay muhiimadda iskaashi dhow oo dhexmara wasaaradda iyo Midowga Afrika si kor loogu qaado dadaallada xuquuqda aadanaha.

Danjiruhu wuxuu bogaadiyey dadaallada wasaaradda, wuxuuna ballanqaaday in Midowga Afrika sii xoojin doono taageerada si loo gaaro yoolalka la hiigsanayo.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles