Saturday, June 21, 2025

Wasiirka Tamarta iyo khayraadka Biyaha XFS oo Xafiiskiisa ku qaabiley Masuuliyiin ka sacdey Maamulka SSC-Khaatumo.

Wasiirka Tamarta iyo khayraadka Biyaha XFS, Xildhibaan Cabdullaahi Bidhan Warsame oo Xafiisku qaabiley Wasiiro ka sacdey Maamulka SSC-Khaatumo.

Wasiir Bidhaan ayaa qaabilay Wasiirada kala ah, Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha, Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Qorshaynta Maamulka SSC-Khaatumo.

Wasiiradda Dowllad Goboleedka ayaa Wasiir Bidhan uga warbixiyey xaallada guud ee deegaanka iyo hananka dowlad dhiska SSC-Khaatumo, iyagoo wasiirka uga mahadceliyey shaqada baaxada leh, iyo guusha miro dhalka ah ee uu kaso shaqeeyey.

Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS ayaa ugu horeyn Wasiiiradda uga mahadceliyey dhankiisa booqashada ay ugu yimadeen, isagoo kula dardaarmey inloo baahan yahay sidii loo xejisan lahaa guulaha laga gaarey dhinacyada, Siyaasadda, Aminiga iyo Horumarka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles