Thursday, June 19, 2025

Wasiirka ganacsiga XFS oo la kulmay Safiirka dalka Qatar.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Xildhibaan Maxamuud Aadan Geesood, ayaa la kulmay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya, Mudane Dr. Abdullah Salem Al Nuaimi.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka ganacsi ee labada dal iyo horumarinta fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, iyadoo la isla gartay muhiimadda ay leedahay in la kobciyo warshadaha dalka, lana abuuro jawi ganacsi oo soo jiidan kara maal-gashadeyaal caalami ah.

Wasiir Geesood ayaa carabka ku adkeeyay sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay xoojinta iskaashiga dhaqaale ee kala dhexeeya dalalka saaxiibada la ah, gaar ahaan Dowladda Qatar, oo uu uga mahadceliyay taageerada ay si joogto ah u siiso Soomaaliya.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles