Thursday, December 26, 2024

Wasiir Fiqi: Somaliya mawqifkeedu waa mid, mana aqbalayso ku qabso ku qadi mayside”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo hoggaaminayay wafdigii Soomaaliya ee wadahadallada ka dhacay magaalada Ankara ee dhex maray Itoobiya ayaa sheegay inay dhammaatay wareegii labaad ee waanwaanta.

Wasiirka ayaa fariin uu soo diray ku sheegay in uu soo dhamaaday wareegii labaad ee wadahadlka u dhexeeyay Somaliya & Itoobiya

“Mahad ballaaran walaalaheen Türkiye oo dadaal weyn bixiyey, gogosha 3aadna dalkooda lagu balamay. Soomaaliya mawqifkeedu waa hal mid oo aan aqbalayn “ku qabso ku qadi mayside” ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasir Fiqi.

Dhinac kale Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad ayaa isna farriin ku sheegay in Dowladda Turkiga uga mahad celinayaan martigelinta iyo dhexdhexaadinta wadahadallada Ankara II.

“Waxaan sameynay guulo wax ku ool ah oo ku wajahan sidii aan uga gudbi lahayn caqabadaha ka imaanaya Is-fahamkii sharci-darrada ahaa ee Itoobiya. Inkasta oo aan la gaarin heshiis kama dambays ah, waxaan rajo ka qabnaa wareegga saddexaad ee soo socda”. ayuu yiri Wasiir Cali Balcad.

Waxaa muuqata inuu wareegii labaad ee wadahadallada Soomaaliya iyo Itoobiya ee Turkiga ka dhacay uu kusoo dhammaaday natiijo la’aan.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles