Thursday, June 19, 2025

Wasiir Biixi oo loo doortay hoggaanka madasha iskaashiga maaliyadda bariga Afrika.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya mudane Biixi Iimaan Cige ayaa loo doortay hoggaanka madasha iskaashiga maaliyadda dalalka geeska Afrika (Horn of Africa Initiative) 2-da sano ee soo socota oo ka billaabanaysa bisha April 2025.

Shirka 23-aad ee iskaashiga dalalka bariga Afrika oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Addis Ababa ayaa looga dhawaaqay in guddoomiyaha cusub ee madasha uu noqonayo wasiirka maaliyadda XFS mudane Biixi Imaan Cige oo xilka kala wareegaya wasiirka maaliyadda Ethiopia Mudane, Axmed Shide oo ahaa guddoonka madasha 2-dii sano ee la soo dhaafay.

Wasiirka maaliyadda XFS mudane Biixi Imaan Cige oo qoraal kooban soo saaray ayaa mahadcelin iyo bogaadinta golaha kadib waxa uu xaqiijiyay in uu si hufan oo cadaalad ah u maamuli doono madasha iskaashiga geeska Afrika.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles