Monday, February 10, 2025

Wafdi uu hogaaminaayo Wasiir Cali Xoosh oo gaaray Jowhar.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh oo maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa kulan mira-dhal ah la qaatay madaxweynaha maamulkaas.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh iyo Wafdigiisa, waxaa madaxtooyada maamulkaas kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullahi Xusseen (Ali Guudlaawe), Wasiir Xoosh ayaana Madaxweyne Cali Guudlaawe uga mahadceliyay soo dhaweynta diiran ee loo sameeyay.
Wasiirka Wasaraadda Arrimaha Gudaha Xukumadda Fedaraalka Soomaaliya inta uu joogo magaalada Jowhar waxaa uu kulamo muhiim ah la qaadan doonaa hoggaanka iyo shacabka ku dhaqan deegaannada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles