Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Sulub Axmed Firin, iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa safar shaqo oo kooban ku tagey dalka Mareykanka si ay kulamo ula yeeshaan hay’adaha ka taageera Boliiska Soomaaliyeed dhanka la-dagaalanka Al-Shabaab. Kulamadan ayaa ahaa kuwo is-daba joog ah oo ay la qaateen madaxda hay’adahaasi, waxaana ay dhammaadeen iyadoo la gaaray guulo la taaban karo.
Inta uu joogay Mareykanka, Taliye Sulub iyo wafdigiisu waxay booqdeen Akadeemiyada FBI-da, halkaas oo ay ku kulmeen saraakiisha FBI-da, iyaga oo ka wada hadlay sidii ay kaalin ugu qaadan lahaayeen horumarinta iyo tababarada saraakiisha Booliska Soomaaliyeed. Kulamadan ayaa lagu falanqeeyey qorsheyaasha lagu xoojinayo awoodda ciidanka Boliiska Soomaaliyeed si wax looga qabto khatarta Al-Shabaab, gaar ahaan tababarka iyo la-dagaalanka kooxaha khawaarijta ah.
Safarkan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah xiriirka labada dhinac ee dhanka ammaanka iyo taageerada Mareykanka uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada farsamada, tababarka, iyo la-dagaalanka argagixisada. Wafdiga ayaa sidoo kale la filayaa inay sii wadaan wadahadallo dheeri ah oo ku saabsan xoojinta iskaashiga laamaha amniga ee labada dal.