Monday, February 10, 2025

Taliska Booliska oo soo saaray awaamiir cusub oo lagu sugayo amniga caasimadda.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa bulshada la wadaagay awaamiir cusub oo lagu sugayo amniga caasimadda oo Taliska Booliska Soomaaliyeed uu soo saaray.

Afhayeenka ayaa sheegay in la farayo Ganacsatada,Shirkadaha aan Dowliga ahayn, Shirkadaha iyo Shaqaalaha ajaanibt in ay qaataan Warqadda dambi la’aanta ee waaxda dambiyada u qaabilsan ee C.I.D.

Waxa uu intaa ku daray hadalkiisa in xogaha la helay ay muujinayaan in Argagixisada lacago ay dhexmarayaan Ganacsatada si looga hortagana loo qaaday tallaabadaan,dhaqangalka amarkaan ayuu sheegay in uu billaaban doonno 10ka Febaraayo 2025,waxa una sheegay in cidii u hoggaansami weyso awaamiirta ciidanka amniga lala xisaabtami doonno.

Dhammaan shaqaalaha kala duwan ee Ajaanibta ah waa in ay qaataan warqadda dambi la’aanta ee C.I.D. sidaas oo kale waxaa Shirkadaha &Ganacsatada la farayaa in ay qaataan warqaddaas, Warqaddaan waxa ay caddeyn u tahay in Ganacsigaas ama shirkaddaas aanay ku lug lahayn kuna jirin maalgelinta Argagixisad”ayuu yiri Afhayeenka Boliiska

Gaashaanle Cabdifitax ayaa sheegay in diiwaangelintaan laga doonayo Shirkadaha Amniga ee gaarka loo leeyahay, Ururrada aan Dowliga ahayn, Ururrada aan faa’iido doonka ahayn, Shirkadaha Isgaarsiinta, kuwa dhismaha, Hoteellada, Duullimaadka, Caafimaadka, guryaha kireeya & kuwo kale.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles