Shirka 7aad ee golaha wadamada ku bahoobay isbaheysiga Solarka Adduunka ayaa ka furmay magaalada New Delhi ee wadanka Hindiya.
Shirweynaha 7aad ee wadamada isbaheysiga Soolarka Adduunka sanadkan waxaa dowladda Soomaaliya ku matalaya, wafdi uu hogaaminayo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS Maxamed Cabdullaahi Faarax, oo uu wehliyo siihayaha ahna Safiir ku xigeenka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya Cabdifitax Cabdullahi Nuur iyo Agaasimaha waaxda Tamarta ee Wasaaradda Eng Cabdifitax Abshir Ibraahim.
Dowladda Soomaaliya ayaa looga mahadceliyay matalaadii labada sano ay ku hogaamineysay kursiga Madaxweyne ku xigeenka qaaradda Afrika, iyo doorkii ay ka qaadatay horumarinta barnaamijka Tamarta laga dhaliyo cadceeda, waxaana bilad Sharaf la guddoonsiiyay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, madaama dowladda Soomaaliya ku guuleysatay, dhisidda xarunta tababarka STARC-SOMALIA.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS Maxamed Cabdullaahi Faarax oo shirka ka hadlay ayaa ka warbixiyay hanaanka Tamarta Soomaaliya ay xiligaan heysato, sida ay uga faa’iideysato, caqabadaha jira iyo isbedelka qaran ee dib u dhiska kaabayaasha Korontada, Soolareynta magaalooyinka iyo tuulooyinka.