Thursday, September 19, 2024

Soomaaliya oo madal caalamiya loogu doortay xil muhiim ah.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa ka qeybgashay Shirka 11aad ee Axdiga Nairobi Convention COP11 oo ka dhacay dalka Madagascar. Shirkan oo diiradda lagu saaray saameynta deegaanka ee xeebaha, ayaa looga hadlay sidii loo maamuli lahaa xeebaha ay qashinka saameeyeen iyo sidii loo heli lahaa xal waara oo lagu badbaadin karo badda iyo deegaanka xeebaha.

Amb. Khadiija Al-Makhzoumi ayaa khudbadeeda ku xustay in Soomaaliya ay ka go’an tahay inay iska kaashato maamulka waara ee badda iyo xeebaha, iyadoo fulinaysa qodobbada ku jira Axdiga Nairobi. Waxay tilmaamtay in muhiimadda ay leedahay iskaashiga iyo wadajirka si loo suurtageliyo badbaadada iyo ilaalinta deegaanka xeebaha ee ay qashinka iyo wasaqda saameeyeen.

Intii uu shirku socday, Soomaaliya ayaa ku guuleysatay ka mid noqoshada Golaha Xafiiska Isku-duwidda iyo Isku-xirka, iyadoo la doortay inay noqoto Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka (Vice Chair for Coordination). Doorashadan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo kor u qaadaysa doorka Soomaaliya ee ilaalinta iyo maamulka deegaanka xeebaha ee Geeska Afrika iyo guud ahaan xeebaha Badweynta Hindiya. Tani waxay sidoo kale fursad siineysaa Soomaaliya inay kaalin muuqata ku yeelato wadajirka caalamiga ah ee lagu ilaalinayo deegaanka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles