Sunday, April 27, 2025

Soomaaliya oo ka qaybgalaysa shir-weynaha maareynta deymaha caalamiga ah.

Hantidhowraha Guud ee JFS, Axmed Ciise Guutaale iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalaya Shir-weynaha Maareynta Deymaha Caalamiga ah ee Ganacsiga iyo Horumarinta Qaramada Midoobay (𝐔𝐍𝐂𝐓𝐀𝐃) kaas oo ka socda magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Shirkan oo la qabto labadii sanaba mar ayaa kalfadhigiisan 14-aad, oo soconaya 𝟏𝟕-𝟏𝟗-𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐜𝐡 𝐞𝐞 𝟐𝟎𝟐𝟓, waxaa looga doodayaa qaabka loo dhigayo maalgelinta ajandaha horumarka oo ay qaddiyadaha deymuhuna udub dhexeed u yihiin.

Waxyaabaha shirkan lagu sahminayo waxaa ka mid ah raadinta xalal wax looga qabanayo xiisadaha deymaha adduunka, iyo hindisidda istiraatiijiyado lagu maareeynayo deymahaas, iyada oo diiradda la saarayo xoojinta adkeysiga, maareynta iyo wax-ka-qabashada qataraha xiisadaha adduunka ka jira.

Hantidhowraha Guud ee JFS ayaa shirkaas ku metelaya Soomaaliya oo qayb ka ah dalalka maareeyey deymihii lagu lahaa, kadib markii ay si fiican uga shaqaysay qaariiraddii deyn-cafinta oo ay ugu dambeyn dowladdu ku guuleystay.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles