Wednesday, February 12, 2025

Soomaaliya iyo Slovenia oo iska kaashanaya dib u dhiska iyo horumarinta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta kula kulmay New York, Tanja Fajon, Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Yurub ee Jamhuuriyadda Slovenia.

Labada mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen sare-u-qaadidda xiriirka labo geesoodka iyo ballaarinta dhinacyada iskaashiga iyo wax wadaagga.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasad iyo amni, si gaar ah howlgalka lagu baacsanayo, laguna ciribtirayo kooxaha argagaxisada ee ka socda gobolka Waqooyi Bari ee dalka iyo qeybo ka mid ah gobollada koonfureed.

Waxaa sidoo kale kulanka lagu lafa guray dedaallada lagu bixinayo fulinta hindasayaasha laguna horumarinayo goobaha la xorreeyay sida dayactirka iyo dhismaha kaabayaasha muhiimka ah oo ay ka mid yihiiin iskuullada, isbitaallada iyo saldhigyada booliiska, kuwaas oo muhiim u ah soo kabashada iyo xasilloonida.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles